Soo dhowow

Sound Transit wuxuu raadinayaa talooyin dadweyne oo ku jeeda Qorshaha Adeegga 2022. Ka qeyb qaado sahanka hoose ilaa 11:59 galabta Agos 22, ka soo qeyb gal aqalka furan ee muuqaalka ah Agos 11, usoo iimeel garee talooyinkaaga servicechanges@soundtransit.org, Ama talo ku dhaaf adigoo soo wacaya 1-866-940-4387. Waxad sidoo kale isku qori kartaa talooyinka afka laga sheego ee kulanka dhageysiga guud Agos 12.

Muxuu yahay qorshaha adeegga sannadka?

Dhinaceena Sound Transit, waxanu qiimeynaa sida adeegga loo qabto sannad kasta waxana soo jeedinnaa isbeddello lagu hagaajinayo waxqabadka, looga jawaabayo sida xaaladda raacistu tahay iyo in si wanaagsan loo isticmaalo ilaha canshuur bixiyeyaasha.

Waxana saadaalineynaa in isbeddelani la soo jeediyey ee ku jira howlaha qorshe sannadeedkeena, laakinse waxanu u baahan nahay fakarkaaga si aad noogu caawinto soofeyntooda iyo hagaajintooda.

Waxanu qirsan nahay in sanadkii la soo dhaafay uu ahaa mid caqabado badan. Hey’adaha gaadiidka ee guud ahaan gobolka, waxey yareeyeen adeegga xilligii cudurka saf-mareenka ahaa. Gobol ahaan dib usoo noqoshada waxana hore u eegi doonnaa sannadka soo socda, waxana kugu casumeynaa inaad wax ka ogaato isbeddelada aannu ka soo jeedineyno adeegyada 2022. Talooyinkaaga soo jeedinta Qorshaha Adeegga waxey caawini doontaa qaabeynta sida adeeggu u ekaanayo sannadka soo socda.

Maxaa ka soo muuqda halka ishu gaarto ee adeegga 2022?

Waxaan ka fakareynaa isbeddel lagu sameeyo baska deg-dega ee ST Express iyo Sounder South iyadoo raacayaashu ay dib usoo laabanayaan guud ahaan gobolka inta aan sii wadno dib uga soo kabashada cudurka karoona. Waxanu ka jawaabeynaa kororka inagoo diiradda saareyna sinaanta soona jeedineyna kororsiimo adeegga ah halka dadku badankiisu uga baahan yihiin, gaar ahaan Koonfurta King and Kowntiga Pierce, halkaasi oo raacitaanku kaga adkeysi badnaa marka loo eego qeybaha kale ee gobolka.

Waxaa intaa dheer, 2022 waxey tilmaan u noqon doontaa furitaanka Hilltop Tacoma Link Extension. Fiditaankani wuxuu keeni doonaa isku xir cusub oo gudaha laga bilaabo Tacoma Dome Station ilaa hey’adaha caafimaadka waaweyn ee ku yaal xaafadda Hilltop.

Sugitaanka raacaha at halka basku istaago ee faras magaalaha Tacoma. Khadka ST Express 590 halkaa ayuu soo istaagi doonaa.

Yoolka Qorshaha Adeegga 2022

Soo Jeedinta Qorshaha Adeegga 2022

Maabka oo buuxa ee isbeddelka adeegga la soo jeediyey ee Sound Transit
Si aad u aragto maabka adeegga, halkan guji.

Isbeddellada ST Express

Adeegga bas ee Sound Transit ee isku xira halbowlayaasha gobolka ee Kowntiyada Pierce, King iyo Snohomish.

Isbeddellada Sounder South

Adeegga tareenka Sound Transit ee dadka qaada wuxuu ka howl galaa inta u dhaxeysa Lakewood iyo Seattle maalmaha toddobaadka.

Isbeddelka Tacoma Link

Adeegga tareenka fudud ee Tacoma wuxuu imika ka howl galaa inta u dhaxeysa Tacoma Dome iyo xaafadda Theater District, iyadoo lix xarumood cusub furmi doonaan sanadka cusub.

Title VI

Waxanu dhameystiri doonnaa ka baaraan degidda Title IV oo qeyb ka ah dadaalka Adeegga Qorshaha 2022.

Chúng tôi sẽ hoàn thành phân tích Tiêu đề VI như một phần của quá trình Kế hoạch Dịch vụ 2022. Wax badan kaga ogow halkan.

2022 sahanka Adeegga Qorshaha

Sahan

Tallaabooyinka Xiga

Jadwalka Mashruuca

May 2021

  • Khudbadaha kooban ee Hey’adaha Ku Saleysan Bulshada

Juulay ilaa Agos 2021

  • Xilliga Talo- dhiibashada Dadweynaha
  • Aqalka Furan ee Onleen iyo sahan
  • Aqalka Furan Muuqaalka ah ee Agos 11 saacadda 6da galab.
  • Aqalka Furan Muuqaalka ah ee Agos 12 saacadda 11ka subax.

Agos ilaa Sebtember 2021

  • Dib u eegis talo dhiibashada bulshada iyo ku noqodka Adeegga Qorshaha 2022

Obtoobar 2021

  • Hirgelinta socodka howlaha Sound Transit Board

Desember 2021

  • Adeegga Qorshaha 2022 ugu dambeeya ka dib